Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ka Arrinsanaysa Xaalado soo wajahay Waxbarashada

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa kulan lagaga hadlayey xaallada abaareed ee lasoo gudboonaatay goobaha waxbarsho la qaatay hay’ada caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Kulankaas ayaa waxa lagaga hadlay xaaladaha la soo gudboonaaday goobaha waxbarashada, maadaama ooay dalka ka jiaan abaaro. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay kullan la yeelatay hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Ugu damabayn wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in talaabooyinka hadda la qaadayo ay ka mid tahay in hal milyan iyo boqol kun oo dollar kaas oo mashruuca loo yaqaan G.B.E, kaas oo ahaa mashruuc ay fulinaysay hay’adda Save the children, kuna saabsanaa mashaariic dhanka horumarinta waxbarashada guud ee dalka ay wasaaradda waxbarashaadu kaga qayb qaadato gudmadka abaaraha ee meelaha ay iskuuladu ka xidhmayaan.

Waxa kale oo wasiirku sheegay in hay’adda Care ay gurmad biyo dhaamin ah ka samayn doonto 267 iskuul oo ka mid ahaa iskuulada ay dhanka waxbarashada ay ka taageerto, halka Unicef 69 iskuul waxay gaadhsiin doontaa taageero..