Maayir Mooge oo Booqday Xarunta Carruurta ee SOS+SAWIRRO

Hargeysa (Aftahannews)- Duqa caasimada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa maanta booqday hoyga carruurta ee SOS, isaga oo sheegay in si weyn la isaga xil saaray daryeelka ubadkaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay deganaayeen goobo ku habboon in ay ku noolaadaan, isla markaana ay u dhammeystiran yihiin adeegyada mihiimka u ah nolosha.

Waxaanu yidhi. “Maanta waxaan booqday hoyga carruurta ee SOS, waan ku farxay carruurteena sida lagu daryeelay xaruntaas.

Caruur faraxsan, qurux badan oo ku nool hoy qurux badan oo la mida ama ka fiicanba kuwa aynu ku noolahay, mustaqbalku waa caruurteena.”

May be an image of 5 people, people standing and indoor

May be an image of 6 people, people standing and indoor

May be an image of 9 people, people standing, indoor and text that says 'YOU'

May be an image of 9 people, child, people standing and indoor

May be an image of 8 people, child, people sitting, people standing and indoor