Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay Kulan la sheegay inuu dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Murrashax Cirro

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa ka hadlay xaaladda adag ee abaarta ka taagan dalka iyo kulamo dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI.

Gudddoomiye Axmed Cabdi-dheere waxa uu sheegay in xaalad adag oo abaareed ay ka taagan tahay dalka Somaliland, isla markaana uu socdo gurmad biyo-dhaamis ah oo ay wado Xukuumadda Somaliland, iyadoo xilligan wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ay socdaal la xidiidha gurmadka ku marayaan gobollada bariga. Waxaanu guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogga ugu baaqay inay ka qaybgalaan gurmadka lagu taakulaynayo dadka iyo xoolaha abaartu saamaysay.

Dhinaca kale, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo la waydiiyey waxa ka jira warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland iyo Murrashaxa WADDANI ay ku heshiiyeen ka noqoshada furista ururradii siyaasadda, taa beddelkeedan la soo horraysiiyo doorashada Madaxtooyada, waxa uu kaga jawaabay in aanay arrintaasi waxba ka jirin, isla markaana furista ururradu ay tahay arrin sharci oo aanay cidina ka heshiin Karin, balse lagu dhaqmayo oo wixii ka dambeeya bisha May ee sannadkan 2022 la bilaabayo diiwaangelinta ururrada siyaasadda dalka.

Sidoo kalena xisbiga KULMIYE uu diyaar u yahay ka qaybqaadashada tartanka ururrada siyaasadda iyo doorashada Madaxtooyada Somaliland.