Cumar Cabdirashiid oo Boob ku tilmaamay Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo Ra’iisal wasaare ka soo noqday Soomaaliya, ayaa waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay qaabka ay socoto doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid, ayaa sidoo kale si faahfaahsan uga hadlay xaalada doorashooyinka Golaha Shacabka ee 11-aad.

Wareysi uu bixiyay Cumar Cabdirashiid, ayuu ku sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliya ee xiligan sida habsamida leh uga socda deegaanada maamul goboleedyada Soomaaliya inay yihiin kuwa aan sax aheyn.

Sidoo kale, Cumar Cabdirashiid, ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay doorashada ka dhigeen mid boob ah oo mudo laba sano ah iska daba wareejinayeen.

“Horta dadka doorashada ku soo baxay waa dad wakhti badan dalka soo joogay oo xaalada la socda eedna kuma laha in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka ku jira waase kooban yihiin” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Doorashada socota ee kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya, ayuu ku tilmaamay ay tahay mid xulasho ah oo aanan lagu tilmaami karin doorasho sax ah, isagoona tilmaamay in madaxda maamulada kursiga ay u xidhaan qofka ay rabaan, islamarkaana ay u keenaan qof malxiis u noqdo.