Biden: “Putin wuxuu dusha u ridan doonaa Dhibaatada ka dhalata Duulaanka Ukraine”

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka Biden, ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin u dusha u ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Joe Biden, ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen taageerada ay u hayaan Ukraine.

Joe Biden wuxuu yidhi “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan”

Isago oo canaanayay Ruushka ayaa yidhi, “Weerarka lasii qorsheeyay ee aan laga fiirsan”

“Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay”