Itoobiya oo Sheegtay inay la dhacsantay doorashada Soomaaliya siday u socoto

Addis Ababa ():- Xukuumadda federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay inay la dhacsantay hannaanka iyo habka ay ku socoto doorashada Soomaaliya oo hadda lagu guda jiro xulashada Xildhibaannada golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Raysal-wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibedda Demeke Mekonnen,  ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Addis Ababa kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen doorashada Soomaaliya, dib-u-habeynta Ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo baahida loo qabo in laga hortago weerarrada kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Ethiopa, ayaa u sheegay Ergeyga in Itoobiya ay si dhow ula socoto hannaanka doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ethiopia ay ku faraxsan tahay hannaanka doorashadu ku socoto.

Demeke, ayaa sheegay in wadashaqeyntu ay lama huraan tahay si looga hortago isku dayga kooxda Alshababab ee ku aaddan ka faa’ideysiga hannaanka doorashada Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay hanaanka dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo doorka dowladaha ay Ciidammadu ka joogaan Soomaaliya oo ay Itoobiya ka mid tahay.