Gabadh sheegtay in Qabiil-keeda Awgii loogu diiday Dhalashada Somaliland

Hargeysa(Aftahannews) – Ayaan Cabdi wali oo sheegtay in ay Hargeysa ku dhalatay, ku kortay, wax ku baratay, isla markaana ku dhaqantay, ayaa sheegtay in dhalashada Somaliland loogu diiday qabiilkeeda awgeed.

Ayaan waxay sheegtay in ay u baahatay aqoonsiga dhalashada Somaliland, si ay u qaadato waraaq dambi la’aan ah, oo ay u baahnayd, lakin aqoonsigii loo diiday kadib markii loo sheegay in anay Somaliland u dhalan.

Ayaan ayaa sheegtay in dhamaan hay’adaha ay booqatay si ay u hesho dhalashadeeda, ay diideen, isla markaana markii danbe loo gudbiyay hay’ada dambi baadhista ee CID-da. Waxay sheegtay in CID-du ay u sheegeen in ay qaadato aqoonsi daganaansho ah taasi oo ay la yaabtay madama oo ay Hargaysa ku dhalatay oo anay ahayn qof meel kale ka yimid.

“Qoladii CID-du waxay igu yidhaahdeen kaadh daganaansho ah qaado kadibna, kaas ayaanu faro kuugu samayni, waxan ku idhi sideen kaadh daganaansho ah u qaataa halkeen kasoo guuray?, qof meel kale kasoo guuray ayaa daganaansho qaatee” ayay tidhi Ayaan.

Waxay sheegtay in nin sarkaal ah oo CID-da ka tirsan, oo loo gudbiyay markii danbe ay kala kulantay wax ay aad ula yaabtay.

“Ninkii sarkaalka ahaa wuxuu iyu yidhi maad kala tagteen ninka Isaaqa ahaa ee caruurtaada dhalay, markaasan ku idhi haa, markaasu igu yidhi oo sideenu kuu siina bilee oo aad caruurta nagala baxsanaysaba” ayay tidhi Ayaan.

Sharciga dhalashada Somaliland ayaa sheegaya in cidii Somaliland daganayd wixii ka horeeyay 1960 oo kali ahi ay heli karaan aqoonsiga dhalashada Somaliland.