Magaalada Boosaaso oo lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya

Boosaaso (Aftahannews)- Doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa qorshuhu yaahy in 5-ta iyo 6-da bishan March lagu qabto magaaladaas.

Guddiga SEIT ee Puntland, ayaa shaaciyay Odayaasha dhaqaka iyo wakiilada bulshada rayidka ee soo xulaya Ergada dooraneysa 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Boosaaso.

Guddiga, ayaa sidoo kale sheegay in Odayaashaan iyo xubnaha metalaya Bulshada Rayidka ay iska kaashanayaan soo gudbinta Ergada beelaha leh kuraasta doorashadooda lagu qabanayo Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa kala ah; HOP#220, HOP#169, HOP#076, HOP#149, HOP#157, HOP#142, HOP#227, HOP#190, HOP#228, HOP#234, HOP#273, HOP#083, HOP#222, HOP#036, HOP#027 iyo HOP#158.

Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraastaas, iyada oo maanta ay halkaas kormeer ku tageen xubno ka tirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer Federaal ee FEIT.

Afhayeen Axmed Safiina oo horkacaya xubnaha ka socday guddiga FEIT, ayaa warbixin la xidhiidha goobta doorashada loo qorsheeyay ka dhageystay Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Puntland.

Goobta lagu qabanayo doorashada, ayaa ah goob ku taalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ammaankeeda lagu wareejiyay Ciidan gaar ah oo Boolis ah.

Guddiga SEIT ee Puntland, ayaa maanta qaban doona araajida iyo Diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, iyada oo shahaadooyinka la siin doono musharaxiinta soo buuxiyay shuruudaha maalin ka hor bilowga doorashada.