Wiilka Madaxweynaha Uganda oo Si yaable uga hadlay Dagaalka Ukraine!

Kampala (aftahannews):- Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.

Waxa uu soo qaatay xasadii caalamka haraysay 1962 ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

“Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?” ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.

Ka bood Twitter boggan, 1

The majority of mankind (that are non-white) support Russia’s stand in Ukraine.Putin is absolutely right! When the USSR parked nuclear armed missiles in Cuba in 1962 the West was ready to blow up the world over it. Now when NATO does the same they expect Russia to do differently?

Jenaraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyay inuu xilka kala wareego aabihii Museveni oo 77 jir ah, Uganda na hogaaminayay tan iyo sanadkii 1986.

47 jirkan hogaamiya ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u taageera duullaanka uu Ruushka ka wado Ukraine.

Taliye Kainerugaba ayaa horay uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay colaadda Itoobiya, isagoo xilligaas taageero u muujiyay fallaagada TPLF oo uu ku tilmaamay “walaalihii.

Xigasho BBCSOMALI.COM.