Ruushka oo Jawaab Midowga Yurub ka yaabisay ka bixiyey Cunaqabataynta

Moscow (aftahannews):- Dowladda Ruushka,  ayaa shaacisay inay mamnuucey dalkeeda duulimaadyada diyaaradaha 36 waddan, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Jarmalka, Spain, Talyaaniga iyo Canada.

Waxey daba socotaa go’aankii Midowga Yurub, ee ahaa in hawadooda ay ka mamnuuceen duulimaadyada diyaaradaha Ruushka ka diiwaan gashan ama uu maamulo.

Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale ka mamnuucey duulimaadyada diyaaradda laga leeyahay Ruushka ee Aeroflot iney kusoo dagaan dalkeeda, taasoo keentay in Ruushku uu ku dhawaaqo mamnuucis aargoosi ah.

Midowga Yurub oo shir ku yeeshay si fogaan arag ah, ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan cunaqabataynta saaran Ruushka, iyo in ay taageero millateri ku garab istaagayaan dowlada Ukraine.

Madaxweynaha Koomiishanka Midowga Yurub, Ursala Von der leyen, oo shirka kadib warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Midowgu uu hub ku taageerayo Ukraine, isla markaana uu cunaqabatayn saarayo Ruushka.

“Midowga Yurub wuxuu markale taageerayaa Ukraine, iyo cunaqabataynta la saaray ninka gardarada wada, oo ah Putin-ka Ruushka, markii ugu horaysay taariikhda Midowga Yurub, wuxuu saanad ciidan ku taageerayaa waddan lasoo weeraray.” ayay tidhi Von der leyen.

Von der leyen ayaa sheegtay in sidookale, ay cuna qabataynayaan dowlada Belarus, oo si badheedha Ruushka dagaalka ugu garabtaagan.

“Waxa kale oo aanu beegsanaynaa gardaroolaha kale oo ah macangaga Lukashenko, macangaga Lukashenko wuxuu ka badheedhay dagaalka naxariis darada ah ee Ukraine dha
nka ka ah, sidaa darteed waxaanu saari doona cunqabatayn cusub” ayay tidhi Von der leyen.

Cuna qabataynta cusub ee Midowga Yurub, ayaa waxaa kamid ah in dhamaan dowladaha midowgu isku raaceen in dhamaan shirkadaha diyaaradaha Ruushka ay hawadooda ka mamnuucaan iyo in muuqbaahiyahaasha ay dowlada Ruushku leedahay Yurub laga xayiro.