Dowladda Jarmalka oo ka Cadhootay Hanjabaadda Ruushka, Tallaabo degdeg ahna qaadday

Berlin (aftahannews):- Dowladda Jarmalka, ayaa waxey goobjoog u noqotay maalin taariikhi ah. Ra’iisal wasaare, Olaf Scholz, ayaa waxa uu xukunka qabtay bishii December ee sanadkii hore 2021-ka.

Laakiin 24 saacadood gudahood waxa uu wax ka bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Jarmalka, ee xiligan casriga ah.

Intii lagu guda jiray fadhi degdeg ah oo uu baarlamaanka Jarmalka ka yeeshay dagaalka Ukraine Axaddii, Ra’iisal wasaare, Scholz, ayaa waxa uu ku dhawaaqey 113 bilyan Doollar, oo looggu tala galey ciidamada Jarmalka.

Waxaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhacey naxdin iyo anfariir. Xildhibaannada qaar ayaa sacaba tumay, qaarna waxa ay u ekaayeen kuwo yaab la amakaagay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa Mr Scholz, uu sheegay in tallaabooyin ad adag oo aan laga maarmeyn uu qaadayo si loo meel mariyo, taasoo aan lagu fikiri karin toddobaad kahor.

Tallaabooyinka, ayaa waxaa kamid ah ballan qaad dastuuri ah, iyo in isbaheysiga NATO lagu qarash gareyn doono 2% dakhliga dowlada, isagoo xaqiijiyey in Jarmalku uu si toos ah hub ugu diri doono Ukraine.

Dhowr maalmood gudahood, Vladamir Putin, ayaa wuxuu ku guuleystay inuu sameeyo waxa xulafada NATO ay sanado badan isku dayayeen iney gaaraan, iyadoo Jarmalku uu kor u qaadey kharashka ku baxaya ciidankiisa.

Tan, ayaa la odhan karaa iney kamid tahay isbadaladii ugu waa weynaa, ee abid lagu arko Jarmalka, gaar ahaan siyaasadda arrimaha dibadda ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Xigasho  BBCSOMALI.COM.