Raysal-wasaare Rooble oo Guddi u Magacaabay soo qiimaynta degmo doorashada Garbahaarrey

Muqdisho (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi soo qiimeynaya xaaladda deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Guddiga uu magacaabay Raysal-wasaare Rooble, ayaa isugu jira xubno ka kala socda Xafiiskiisa, guddiga doorashada heer Fedaraal iyo ka maamulka Jubbaland, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood oo kasoo warbixin doona muddo 7 cisho ah xaaladda deegaan doorashada Garbahaareey.

Magacaabista guddigan soo qiimeynaya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, ayaa imaaneysa xilli dhawaan maamulka Jubbaland shaaciyey inaanay suurtagal aheyn doorasho lagu qabto magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana isku khilaafsan maamulka doorashada Garbahaarrey Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed-madoobe .

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sida ka muuqata warqadda magacaabista ee hoos kaga bogo:-