Soomaaliya oo eedaymo kulul u jeedisay Somaliland iyo Taiwan

Beijing (aftahannews):- Dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan,  waxaanay ku tilmaantay inay xasarado ka wadaan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, ayaa sheegay inay Dawlad ahaan Cambaaraynayaa sida wanaagsan ee Taiwan ula Macaamilayso Somaliland, taa beddelkeedana ay ilaalinayaan waxa uu ugu yeedhay ‘Midnimada dhuleed ee Soomaaliya’.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland..” ayuu yidhi Ambassador Kulane oo u warramay Telefiishan Shiinaha laga leeyahay, waxaanu intaa ku daray inay ilaalinayaan Midnimada Soomaaliya “Waxaanu mar walba ka ilaalin doonaa Madax-banaanida qaranka Soomaaliya,haddii ay tahay Taiwan ama hay’ad kale..”

Safiirka Soomaaliya ee Shiinuhu wuxuu Somaliland ku eedeeyay inay Xasillooni-darro ka abuurto Soomaaliya, halka Taiwana uu ku èedeeyay in qaabka ay Somaliland ula macaamilaysaa ay abuurayso dhibaato ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya oo uu ula jeedo Somaliland.

“Qaabka ay Taiwan u dhaqmayso runtii waa wax laga naxo, waayo waxay abuuraysaa xasilooni-darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland)…” ayuu ku andacooday Safiir Kulane, waxaanu intaa sii raaciyey “Somaliland waxay Soomaaliya inteeda kale ka abuurtaa xasilooni-darro..”

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo la waydiiyey waxay xidhiidh ula samayn waayeen Somaliland, ayaa ku jawaabay in arrintaasi keeni karto amni-darro.

“Taasina, run ahaantii waxa ay meesha ka saaraysaa wixii ay dunidu ka shaqaynaysay ee ku wajahan horumarinta nabadgalyada deegaankaas.” ayuu ku andacooday Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kulane.

Safiir Kulane waxa uu ku dooday inay sharci-darro tahay in heshiis been abuur ah oo shidaal wadagalaan Somaliland iyo Taiwan,  kaasoo ay arkaan mid lagu doonayo in khayraadka Soomaaliya lagu boobo, balse aanu hirgeli doonin.

Dawladda Soomaaliya ayaa diiddan Madax-banaanida Somaliland, waxayna inta badan ku dooddaa in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, sidaasi darteedna ay ka soo horjeeddo xidhiidh ay la yeelato Taiwan iyo Dawladaha kale ee Caalamka.

Soomaaliya waxay xidhiidh la leedahay Shiinaha oo isaguna Diiddan Madax-banaanida Taiwan oo hore uga go’day.

Somaliland iyo Taiwan oo aan midkoodna aqoonsi ka haysan beesha Caalamka, ayaa xidhiidh wanaagsan leh, waxaanay labadii sano ee u dambeeyey joogteeyeen xidhiidhkaas, iyagoo Xafiisyo dublamaasiyadeed is weydaarsaday, waxaanay Taiwan Somaliland ka caawisaa, dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, doorashada iyo Abaaraha. 2020kii markii ay xafiisyada dublamaasiyadeed is waydaarsadeen Somaliland iyo Taiwan waxa aad uga Cadhooday dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.