Madaxweynaha Ruushka oo Heegan geliyey Ciidanka gaarka ah ee Hubka Nukliyeerka

Moscow(aftahannews):- Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa amray inay heegan buuxa galaan Ciidammada Difaaca Cirka ee adeegsada noocyada Gantaalaha xambaara Hubka noocyadiisa kala duwan.

Madaxweyne Putin, ayaa go’aankan shaaciyey ka dib markii uu kulan dhinaca ammaanka ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Sergy Shoigu iyo Taliyaha Guud ee Ciidammada dalkaas Valery Gerasimov, sida aanu ka soo xigannay warbaahinta Russian Today.

“Dalalka reer Galbeedku keliya ma samaynayaan tallaabooyin cadowtinimo oo ka dhan dhaqaalaha dalkeenna ee ku saabsan cuna-qabataynta aan loo dul-qaadan karin ee saamayntooda la ogyahay. Balse Madaxda sare ee NATO waxa sidoo kale ka soo yeedhaya hanjabaado ka dhan ah dalkayaga,” sidaas yidhi Madaxwaynaha Ruushku.

Ciidammada Difaaca ee Ruushka, ayaa ka kooban qaybaha kala duwan ee gantaalada Riddada fog, hadday ahaan lahayd kuwa xambaarsa hubka Nukliyeerka iyo kuwa Caadiga ah, kuwaas oo loo isticmaali karo Difaac iyo weerarba, sida ay qortay RT oo intaas ku daray in ciidammadan si gaar ah loogu talo-galay inay Ruushka iyo Xulafadiisa ka difaacaan weerarro dibadda kaga yimaadda.

Hadalka ka soo yeedhay madaxweyne Putin, ayaa ku soo beegmaya Xilli uu meel xasaasi ah marayo Duullaan ciidamada Ruushku ku qaadeen Ukraine oo bilaabmay 24-kii bishan February. Duullaanka Milatari ee Ruushka ayaa daba-socday kaddib markii Baarlamaanka dalkaasi u codeeyey inay dalal madax-bannaan u aqoonsadeen Jamhuuriyadaha Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla gobolka Domboss ee Bariga dalka Ukraine oo gacanta ugu jira Jabhado hubaysan oo taageero Milatari iyo mid dhaqaaleba ka hela Dalweynaha Ruushka.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa tallaabada Ruushka kaga jawaabay Cuna-qabatayno horleh oo ay ku soo rogeen dalka Ruushka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday hay’adaha dowladda, masuuliyiinta dowladda, ganacsatada Ruushka iyo xidhiidhada Ganacsi iyo Dhaqaale ee dalkaasi la leeyahay reer Galbeedka.