Abiye Ahmed oo Qiray in Dad u dhintay Abaarta xilli Cagjar qarinayo

Addis Ababa (aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in abaarta ku habsatay dalka ay u dhimanayaan Carruur iyo Dad waayeel ah, waxaanu ka digay in haddii la sugo xilli-roobaadka in ay galaafan doonto dad badan oo aynu jecel nahay, waa sida uu hadalka u dhigay e.

War-saxaafadeed uu fiidkii Sabtida soo saaray, ayuu Abiy Ahmed ku sheegay, in abaartu ay tahay wax dabiici ah oo yimaadda, laakiin macaluusha ay tahay natiijada gaabiska ka jawaabista abaarta, waxaanu xusay in ‘haddii la qariyo abaarta iyo khasaaraha ay geysatay, in aan xal loo heli doonin.’

Hadalkan oo imanaya xilli ay dad badani gaajo iyo harraad ugu geeriyoodeen deegaanka Soomaalida, isla markaana ay xukuumadda Madaxweyne Mustafe ay qarinayso dhimashada, ayaa waxa uu Abiy Ahmed tilmaamay inay jiraan gaabis iyo caajisnimo ka timid dhinaca maamulka oo aan sidii la rabay uga jawaabayn abaarta, taas oo ah wixii hore loogu eedaynayay Madaxweyne Mustafe.

War-saxaafadeeda Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu yidhi: ‘Abaarta inagu habsatay, waxay galaafanaysaa nolosha carruutta iyo waayeelka. Haddii aynu sugnto illaa inta uu xilli-roobaadku imanayo, waxaynu waayi doonaa dad badan oo aynu jecel nahay.”

Waxa uu intaa ku daray: “Abaartu si dabiici ah ayay u timaaddaa, laakiin gaajada ama macaluushu, waa natiijada gaabiska, macaluushuna waa dad-samee, waxaanay ka dhalataa gaabis ku yimaadda ka jawaabista iyo siyaasad-xumo dhinaca beeraha ah.”

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, waxa kale oo uu sheegay, in loo baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo sidii uu waddanku uga bixi lahaa abaaraha, waxaanu xusay inay wadaan daraasado, waxaanu yidhi: “Ma aha in aynu qarino abaarta iyo khasaaraha ka dhashay, laakiin waa in aynu daaha ka feydo, khiyaarka kaliya ee aan haysanaana waa in aan ka wada shaqayno sidii xal waara loogu heli lahaa.”

War-saxaafadeedkan oo ah midkii ugu horreeyey ee uu Ra’iisal Wasaaruhu kasoo saaro abaaraha sida weyn u saameeyey deegaannada Soomaalida, Oromada iyo Shucuubta Koonfureed, ayaa waxa uu ku baaqay gurmad loo fidiyo deegaannadan, waxaanu yidhi: “Inaga oo ku dedaalayna in aynu xal waara u helno macaluusha, waa in wixii karaankeena ah ama aan awoodno aan u samayno dadka baahan. Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanayaa in aan ku baaqo in gurmad loo fidiyo dadka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay, in aanu jirin cadow la mid ah abaarta iyo macaluusha oo uu tilmaamay inay Itoobiya hore usoo martay, waxaanu ku dooday, in sida abaartu waxyeello ugu geysato Itoobiya in aanay xataa u waxyeellaynin waxa uu ku sheegay ‘shisheeyihii kusoo duulay Itoobiya ee guumaystay’.

Waxa kale oo uu Ra’iisal wasaaruhu sheegay, in gaajada ka jirta deegaanno uu ka mid yahay deegaanka Soomaalidu, ay keentay in dadku ka barokacaan meelihii ay degganaayeen, dhibaatada ugu weyna ay haysato dadka waayeelka ah ee ay hooluhu ka baxeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday bangiyada Itoobiya inay u adeegaan beeralayda iyo xoolo dhaqatada, waxaanu usoo jeediyey inay siiyaan maalgelin ay ku sameeyaan isbeddel nololeed, gaar ahaan beeralayda.

Deegaanka Soomaalida oo ay ka taagan tahay abaartii ugu xumayd ee soo marta in ka badan 40 sannadood ayaa waxay gaadhay heer ay dadku ugu dhintaan tuulooyinka iyo meelaha fog ee miyiga ah, hase yeeshee xukuumadda Madaxweyne Mustafe ayaa lagu eedeeyay inay siyaasad u qaadatay in ay qariso dhimashada dadka, si aan loogu eedaynin inay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd badbaadinta nafaha shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo bishii hore ee January soo booqday deegaanka Soomaalida, indhihiisana ku arkay dad badan oo hooyooyin, carruur iyo duqayti ah oo abaaraha ku caydhoobay, ayaan illaa hadda dhinaciisa ama xafiiskiisu aanu shaacin wax gurmad ah oo uu u fidinayo shacabka Soomaaliyeen.