Ukraine iyo Russia: Wararkii u dambeeyey ee Dagaalka & Waxa ka socda Kyiv

Kyiv (aftahannews):- Xaaladda colaadeed iyo dagaallada ka socda hareeraha iyo badhtamaha caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambaysa si kadis ah isu beddalaysa, magaaladaas oo ay Ciidammada Ruushku koone walba ka duqaynayaan.

Magaalo-madaxda dalka Ukraine ee Kyiv waxa ku nool bulsho ka badan 2,800000 (Laba Milyan iyo siddeed boqol oo kun) oo qof.

Xalay illaa subaxnimadii saaka waxa uu Ruushku gantaallo darandoorri ah ku garaacayey goobo muhiim ah oo ay leeyihiin Millateriga Ukraine, gaar ahaan xarumaha gaarka ah ee ay ku leeyihiin caasimadda Kyiv, waxaanay weerarradu kaga socdaan dhinacyada Cirka, Badda iyo Berrigaba, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalka Ruushku.

Illaa 200 laba boqol oo qof oo ay 3 Carruur ahi ku jiraan oo Shacabka reer Ukraine ah, ayaa ku dhintay duqeynta Ruushka tan iyo Khamiistii, sida ay sheegtay Ukraine. Kumannaan kale oo Shacab ah, ayaa ka barakacay caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine, kuwaas oo beegsanaya Xadka dalalka Poland iyo Romania oo xuduud la leh Ukraine.

Marka laga yimaaddo caasimadda Kyiv waxa ay Ciidammada Ruushku qabsadeen magaalooyin kale oo muhiim ah, oo ku yaalla Ukrain, magaalooyinkaas la qabsadayna waxa ugu dambaysay magaalada Melitabool, oo ku taalla gobol dhaca Koonfurta bari ee Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Vladimir Zelensky, ayaa xilli hore oo maanta ah muuqaallo iskaga soo duubay caasimadda Kyiv, waxaanu sheegay in aanuu cidna isu dhiibayn, isla markaana aanu ka qaxayn dalkiisa Ukraine. Waxaanu Ciidanka Ruushka uga digay inay isku dayaan inay caasimadda Kyiv qabsadaan caawa.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay Ciidammada Ukraine hubka dhigi doonin, balse ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacayaan, naftana u hurayaan iska caabbinta weerarka uu Ruushku ku soo qaaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa la sheegay inuu ka codsaday Madaxweynaha Ukraine Vladimir Zelensky  inuu ka baxo dalkiisa si loo badbaadiyo naftiisa, balse taas wuu ku gacan-saydhay, waxaanu ku adkaystay in aanu ka tegayn dalkiisa iyo Dadkiisa ee uu difaacayo.

Geesta kale, dalka Ruushka, ayaa codka diidmada qayaxan ku hor joogsaday qaraar la doonayey in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareynayey duullaanka Ruushka, waxana qaraarkaa u codeeyey 11 waddan oo ka mid ah xubnaha golaha ammaanka, halka ay ka aamuseen dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Imaaraadka Carabtu. Ruushka, ayaa ka mid ah dalalka diidmada qayaxan ee fiitooda loo yaqaan ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxa la filayaa in shir degdeg ah laysugu yeedho dhammaanba dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, si ay uga hadlaan dagaalka Ukraine Ruushku ku qaaday oo ay Maraykanka iyo inta badan dalalka Reer Galbeedku ka soo horjeedaan.

Geestooda, Gaashaanbuurta NATO iyo Midawga Yurub, ayaa cambaareeyay duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine Khamiistii, waxaanay sheegeen inay difaacayaan Ukraine, iyaga oo dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta NATO ay Ciidammo badan geeyeen Yurubta Bari.

Waxay Maraykanka iyo Midawga Yurub, sheegeen inay cunaqabatayn ku soo Rogen Ruushka, isla markaana ay bartmaameedsanayaan in culay maaliyadeed uu la kulmo Ruushku, iyadoo la joojinayo gadashada badeecada uu dibedda u iibgeeyo iyo in laga xidho xisaabaha Bangiyada caalamiga ah iyo isu gooshka Gaadiidka.