Maraykanka oo Xayiraad saaray Siyaasiyiin Soomaali ah oo uu ku eedeeyey dib-u-dhaca doorashada

Washington (aftahannews):- Dowladda Mareykanka, ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, waxaanay ku eedeysay inay waxyeelleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in Mareykanku uu soo rogay xayiraadda fiisaha ka dib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay dhammaystirka doorashadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay aheyd in la soo gebagabeeyo Jimcihii shalay.

“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah.” Sidaa ayuu Blinken ku yidhi bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanku.

Doorashada Baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Kooxda Al-Shabaab, oo inta badan weeraro iyo qaraxyo ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashadan, waxaana bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar is-miidaamin ah lala beegsaday bas ay saarnaayeen ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho, inkasta oo ergada wax dhaawac ahi aanu soo gaadhin.

Xigasho Reuters.