Ukraine oo Ruushka ka Codsatay Wadahadal iyo Xabbad-joojin degdeg ah

Kyiv (aftahannews):- Hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo farriin muuqaal ah la wadaagay labada shacab ee Ukraine iyo Ruushka,  ayaa Ruushka ka codsaday inuu xabbad joojin sameeyo.

“Ruushka waa inuu hadda iyo hadhoowba nagala hadlaa sidi loo joojin lahaa duullaanka uu soo qaaday,” ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku daray; “Wadahadal degdeg ku billowdana wuxuu noqonayaa mid yareeyo qasaaraha Ruushka soo gaari lahaa.”

Wuxuuna intaa ku daray “Ilaa weerarrada Ruushka ay ka joogsanayan iney iyagu dalkooda difaacanayaan.”

Madaxweyne Volodmyr wuxuu sheegay xalay inuu Ruushka sii kordhiyey duqeymaha caasimadda uu ku hayo.

Madaxweynaha Ukraine waxa uu sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu caasimadda ka tago, isaga oo og inuu yahay bartilmaameedka koobaad ee Ruushka.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ukraine Dmytro Kuleba, ayaa sheegay Ruushka inuu duqeymo argagax leh uu saaka ka geystay caasimadda kyiv.

Dmytro wuxuu sheegay gantaallada uu Ruushka duqeynta u adeegsaday iney yihiin kuwa argagax leh, isaga oo weerarka Ruushka la mid dhigay weerarki uu Nazi-gi Jarmalka uu Ukraine ku soo qaaday xilligi uu socday dagaalki labaad ee adduunka.

Hareeraha caasimaddana waxaa laga maqlayaa qaraxyo waaweyn. Kumannaan shacab ah, ayaa ka barokacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, dhawaaqa digniinaha duqeymaha diyaaradaha, ayaa laga maqlayaa Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine ee Ruushku duqaynayo.