Ethiopia oo soo bandhigtay 44 Mashruuc oo Maalgelin u raadimayso

Addis Ababa (aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Itoobiya, ayaa soo bandhigtay 44 mashruuc oo ay doonayso inay maalgeliyeyaal caalami ah u hesho, kuwaas oo ay wasaaradda Gaadiidku maanta la wadaagtay Safiirrada cusub ee dhawaanta la magacaabay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Logistikada Itoobiya, Dagmawit Moges ayaa maanta kulan la yeelatay sariirrada cusub, waxaanay u sharraxay fursadaha maalgasho ee yaalla Itoobiya ee dhinacyada gaadiidka iyo logistikada, kuwaas oo ay si gaar ah ula doonayaan maalgeliyeyaal caalami ah oo lacag adag dalka soo geliya.

Wasiirka ayaa sheegtay in 44kan mashruuc ay yihiin kuwo ay u qoondeeyeen inay siiyaan maalgeliyeyaasha ama shirkadaha gaarka loo leeyey, waxayna ku boorrisay safiirrada inay ka shaqeeyaan sidii ay mashaariicdan uga iibin lahaayeen maalgaliyeyaasha ajaanibka.

Waxa kale oo ay wasiirku sheegtay, in daraasad ay sameeyeen ay u iftiimisay in mashaariicdani ay yihiin kuwo ku habboon maalgeliyeyaasha gaarka ah, si ay sare ugu qaadaan doorka maalgashiga.

Geesteeda Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya, Ambassador Birtukan Ayano, ayaa sheegtay in Safiirrada laga filayo inay kor u qaadaan mashaariicda noocan oo kale ah oo ay maalgashadayaasha ajaanibka ah u bandhigaan, si bay tidhi ‘ay u sii caawiyaan dedaallada lagu horumarinayo gaadiidka Itoobiya.