Somalia: Dhammeystirka doorashada Golaha Shacabka oo Waqtiga loo kordhiyey

Muqdisho (aftahannews):- Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, ayaa kordhiyay waqtiga dhammeystirka doorashada Golaha Shacabka hore loogu muddeeyey.

Shir ay xalay ku yeesheen habka fogaan aragga (ZOOM) Golaha Wadatashiga Qaranku, waxay kaga arrinsadeen dhammeystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka, waxaanay Jadwalka gebogabaynta doorashada u asteeyeen 15ka bisha Maarso, maaddaama lagu dhammaystiri kari waayey waqtigii hore loogu muddeeyey ee 25-ka Febraayo 2022-ka oo xalay ku ekeyd. 

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseem Rooble, ayaa Golaha Wadatashiga Qaranku kaga hadleen xaaladda doorashada, xal u helidda doorashada Garbahaarrey iyo xaaladda Abaaraha ee dalka ka taagan.

Golaha, ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo illaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Aqalka Sare iyo 175 Xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee Xildhibaannada labada aqal.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dood iyo falanqeyn ka dib waxay isku raaceen qodobadan hoos ku xusan:-

“1– In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022

2– Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisul Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.

3– Goluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

4– Goluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

5– Goluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaagay qabsoomidda doorashada.

6– Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadinayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lagama maarmaan u ah dhammeystirka.”