Maraykanka oo si adag u Sheegay inuu difaacayo Ukraine

Washington (aftahannews):- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku dayi doono in uu afgambiyo dowladda Ukraine.

Wareysi uu siiyay telefishinka Mareykanka ee ABC, ayuu Blinken ku sheegay in ay “qeyb ka tahay qorshaha Ruushka” ee lagu weerarayo caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Ukraine, iyadoo ay barbar socdaan weerarro dhinacyo badan leh oo ka socda dalkaas oo ka imaanaya waqooyiga, bariga iyo xuduudaha koonfurta.

Mr Blinken, ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay difaacaan xulafadooda Nato, isagoo ka digay in weerarka lagu qaado dal ka mid ah Nato uu la mid yahay weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha gaashaan buurta Nato.

Mr Blinken ayaa sidoo kale ku celiyay mowqifka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in suurtagalnimada in la ballaariyo cunaqabateynta Mareykanka ee si toos ah loo beegsado Mr Putin ay weli ” miiska saaran tahay “, haddii xaaladdu ay sii xumaato.