Baarlamaanka Soomaaliya oo buriyey heshiis dawladdu la gashay Shirkadda Favori ee Maamusha Madaarka

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqbalabiyad ah ku diiday heshiiskii dawladdu la gashay Shirkadda Favori ee Maamusha garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.Heshiiskaas waxaa shirkadda Favori oo ah shirkad Turkish la galay xukuumaddii hore ee Saacid. Codeyn haddaba loo qaaday heshiiskan ayaa waxaa diiday 124 mudane, halka 13-na kale ay oggolaadeen, 2-kalena ay ka aamuseen.

Baarlamaanka ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, wuxuuna go’aamiyay in xukumadda lagu celiyo.

Shrikaddan Favori ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay siddeed bilood ka hor kala wareegtay shirkad kale oo lagu magacaabo SKA.

Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.