Somaliland Maxay ka tidhi Ergayga Qaramada Midoobay u Magacawday Midowga Afrika?

Parfait Onanga oo 25-kii sano ee u danbeeyay shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Qaramada Midoobay, ayaa beddeli doona Hanna Serwaa Tetteh oo u dhalatay dalka Ghana, isla markaana xilkaas haysay illaa 2018-kii. Mrs Hanna Serwaa Tetteh, ayay isbeddeleen sarkaalkan fadhigiisu noqon doona magaalada Addis Ababa, waxaana loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada u qaabbilsan Arrimaha Afrika.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayey Sarkaalkan ku bogaadisay xilka cusub ee loo magacaabay.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bogaadin u diraysaa Mr. Parfait Onanga, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika, ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika, oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Mr Parfait Onanga ayaa hore u soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalalka Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana lagu tilmaamaa khabiir waayo-aragnimo durugsan ka kasbaday xalinta khilaafaadka iyo hawl-gallada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay muddadii uu ka hawl-galayey labadaas waddan oo dagaalo sokeeye regaadiyeen xilligaas.