Weerar Internet oo ku socda Bangiyada iyo Wasaaradaha Ukraine

Kiev (Aftahannews)- Warar degdeg ah oo laga helayno Ukraine, ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar internet oo balaadhan uu ku socdo Ukraine.

Wasiir u hadlay Ukraine, ayaa wakaalada wararka ee Interfax u sheegay in hay’addo kala duwan oo ay ka mid yihiin, caafimaadka, amaanka iyo wasaarada arimaha dibadda, uu hawada ka saaray wax ay ugu magac-dareen weerarka DDOS.

Wuxuu intaas ku daray in bangiyo kala duwan uu saameeyay weerarku.

Weerarka DDOS, ayaa u jeedkiisu tahay in mareegaha internetka ee Ukraine lagu harqiyo seenyaalo been ah oo culays ka dhigaya in ay u shaqeeyaan sidii hore.

Mas’uuliyiinta Ukraine, ayaa sheegay todobaadkaan in ay arkayeen diginiino ah budhcad internet oo qorshaynaya in ay weeraro culus ku qaadaan xafiisyada dawladda, bangiyada iyo qaybta difaaca.