Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya oo Ballan-qaaday Arrin Soomaaliya la Xidhiidha

Nairobi (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, ayaa isaga oo qayilaya waxaa uu markii ugu horeysay ballan qaaday arrin Soomaaliya la xidhiidha.

William Ruto, oo maalmihii la soo dhaafay ololahiisa doorasho ka waday gobolka jaadka uu ka baxo ee Meru, ayaa waxaa uu sheegay in hadii loo doorto xilka Madaweynaha uu kordhin doono wax soo saarka Qaadka.

Waxaana uu  sidoo kalena ballanqaaday in uu wadahadal la gali doono Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan sidii qaadka Kenya loogu fasixi lahaa dalka Soomaaliya.

Sikastaba ha-ahaatee, hadalka Madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa ku soo beegmaya xilli in muddo ah ay taagneyd arrinta qaadka oo Soomaaliya ay dalkeeda ka joojisay badeecada qaadka ee looga dhoofiyo Kenya.