Xisbiga Waddani oo si adag uga hadlay Haween Waxyeelo iskugu gaystay Haybtooda darteed

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga Waddani, ayaa xukuumada Somaliland usoo jeediyay in ay talaabo ka qaado hablo baraha bulshada ku baahiyay muuqaalo iyaga oo garaacaya hablo kale qabiilkooda awgii, dhacdooyinkan oo ka dhacay Hargaysa iyo Laascaanood.

Xogeeyaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in uu filayay in laamaha amnigu ay talaabo ka qaadaan hablaha isku waxyeelayay haybtooda awgeed.

“Hablo dhagaxaan lagu garaacayo, waxay ka dhacday Laascaanood, waxan u qaatayba anuu in ay dhalanteed tahay, hadayse dhab tahay waxan filayay in laamaha amniga, booliiska, sirdoonka jooga Laascaanood in ay qofkaa soo qabtaan, marlabaad ayay ka dhacday Hargaysa” ayuu yidhi xogeeyuhu.

Xogeeyaha ayaa sheegay in hadii aan talaabo laga qaadin, ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin.

“Hadii aan talaabo laga qaadin oo aan sida Facebook-ga loo ilaaliyo aan shacabka loo’ ilaalin, ee marka ninka madaxda ah wax laga qoro loo ilaaliyo aan umada loo ilaalin, waxay inagu noqon doonta wax aynu ka qoomamoono” ayuu yidhi xogeeyuhu.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada kasoo muuqday hablo muuqaalo iska duubaya iyaga oo hablo kale u wax yeelaynaya haybtooda darteed.