Go’aan laga soo saaray Kursiga Fahad Yaasiin

Muqdisho (Aftahannews)- Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa fasaxay shan kursi oo uu kamid yahay kursiga HOP#086, kaas oo ku guuleystay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraastan 5-ta ah ayaa 21-kii Bishaan doorashadooda lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, balse Kursiga HOP#086 ayaa guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle uu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursigaas.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in guddoomiyaha ay xubnaha kale ee guddiga la wadaageen warbixin uu ku qancay oo ku saabsan lixda kursi ee lagu doortay Beledweyne uuna fasaxay.

Guddiga, ayaa la sheegay inaanay jirin wax cabasho ah oo laga soo gudbiyey kuraastaas inta lagu guda jiray wakhtiga ku xusan sharciga uu ku shaqeeyo guddiga, taasoo ka dhigan inaanay jirin qof xataa hadda dacwad soo gudbin kara.

Kursiga Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ku dhagan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo isticmaalaya qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada heer Federaal oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha.

Hoos ka akhriso warqadda Guddiga Xallinta Khilaafaadka