Mid ka mida Xisbiyada Finland oo dawladdooda u ka dalbaday inay Aqoonsato Somaliland

“Nidaamka dimuquraaddiga Somaliland dhinacyo badan wuxuu u muuqdaa mid laga bartay Finland, labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradku waa Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland…”

Helsinki(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Biddixda ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland Marwo Kaisa Pekonen Aino, ayaa u soo jeedisay Xukuumadda dalkeedu inay aqoonsato aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland.

aino-kaisa-pekonenfaysal-iyo-ciro-png

Xildhibaan Aino ayaa sheegtay in labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiramaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) yihiin Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland, Siyaasadda dalkooduna saamayn ku leedahay khibraddii ay ka heleen Finland.

War-Saxaafadeed ay shalay soo saartay Ms. Aino ayey ku sheegtay inay gudbisay su’aal la xidhiidha in Xukuumaddoodu raadin karto fursadihii iyagoo la kaashanaya waddamada kale ee Yurub sidii Somaliland lagu aqoonsan lahaa.

“Somaliland oo Madax-bannaanideeda la soo noqotay 18, May, 1991, illaa maanta ma jiro waddan aqoonsaday madax-bannaanidooda, inkastoo muddo dheer ay kala gaar ahaayeen Soomaaliya. Somaliland waxay leedahay nidaam dimuquraaddi shaqeynaya, Madaxweyne la doortay.

Nidaamka dimuquraaddiga Somaliland dhinacyo badan wuxuu u muuqdaa mid laga bartay Finland, labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradku waa Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland, Siyaasadda dalkoodana ay saamayn ku leedahay khibraddii ay ka heleen.

Wax dhibaato ah uma arko in Finland aqoonsato Madax-bannaanida Somaliland noqotana waddamada ugu horreeya Midowga Yurub.” ayey War-Saxaafadeedkeeda ku tidhi Xildhibaan Kaisa Pekonen Aino.

Xigasho Wargeyska HIMILO.