Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisal Wasaare Rooble, Taliska AMISOM iyo Hay’addaha Amnigu?

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Hay’addaha Amniga Soomaaliya.

Kulanka, ayaa lagaga wadahadlayay xoojinta amniga Soomaaliya, la-dagaalanka Argagaxisada, dardergelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’addaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga Soomaaliya iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa hay’addaha amniga faray in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga Muqdisho oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Rooble, ayaa ku boggaadiyay hay’addaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu cidhibtirayo kooxaha Argagixisada, wuxuuna ku adkeeyay in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu.