Ruushka iyo Reer Galbeedku waa isku jiq!

Waa laba is og, oo isu fahmaaya si walba. Taariikh dheer, oo aad u dheer, oo wada dhiig ah ayay wadaagaan. Dhiigaas ayaa ah waxa asteeya ee micneeya cilaaqaadkooda.

Dadaallo badan baa la sameeyay oo looga fursado dhiig dadinta iyo is gumaadka, waxaadna moodaa in waxoogay horumar ah la sameeyay todobaatameeyadii sanno ee ka dambaysay is qalashadii waynayd – Dagaalkii 2aad ee 50 ga milyan ku dhimatay, hadana meel baa daloosha oo hadba dhinac ayay wax iska tusayaan.

Ruush waxa uu u arkaa in Galbeedku si uun u qorshaynayaan gumayntiisa, waanu ka digtoonyahay. Galbeedku waxa ay u arkaan nin qaawan oo qatan, oo doonaaya in uu arlada qaribo, si iyo siyaabo ay iskaga bambaaniyaan in aan la isku dhicin na waa samaynayaan, siyaabo ka shakisiiya na waa ku garab wadaan. Yukrayn meesha la yidhaahdo ayaa hadda ah masraxa u weyn ee loo malaynaayo in foodda la isku saaro.

Putin waxa u gu weyn ee loo malaynaayo in uu uga gol leeyahay buuqan oo dhan, waa in uu awoodda wadankiisa sii haysto, dadkiisa na u abuuro sabab ama sababo ay isaga u gu arkaan badbaadiyahooda, ayna u gu daba faylaan. Taas wuu ku guulaystay ilaa xad. Hogaamiyaasha Ruushku, ilaa boqortooyadii Zars ka, meesha ay sharciyadda xukunkooda ka doonaan waa in uu hogaamiyuhu guul milatari ka keeno dagaal, amaba dagaal soo socda uu ka diyaar garoobo, oo la ga cabsado, oo cadowgu dib u joogsado. Waa markaas iyo xaaladaas oo keliya ta hogaamiye Ruush ah siisa kalsooni nafsiyadeed iyo sharciyad la isku halayn karo oo uu wax ku xukumo.

Run marka loo eego, Ruushka waa la ga ilbaxsanyahay waana la ga tegay gees kasta oo la ga joogsado. Maanta uun ma aha ee sidaas baa looga horeeyay mar walba. Wadanka intaas leeg dhaqaalihiisu waxa uu la baaxad yahay midka Talyaaniga. Hab maamul wadaag iyo sarayn sharci ma ka jirto, mana ka jirin abidkeed, waana sababta u gu muhiimsan ee looga tegay. Waxa keliya ee saldhigga u ah jiritaankiisu waa dabaabad iyo daasad – sancada milatariga ayay xoog, xoolo iyo fikir ba geliyaan .

Putin wixii horeyba aabayaashii u samayn jireen uun buu samaynayaa. Waxa uu ogyahay, si wacan na u gu diyaar garoobay, in Galbeedku aanay dagaal ku qaadayn, laakiin cunaqabatayn dhaqaale saarayaan. Sidaas darteed, waxa uu urursaday kayd lacag adag iyo dahab ah, oo gaadhaaya 65 bilyan – waa kolka la ga duulo update kii January ee sanadkan, intii ka dambaysay na koley wax buu ku kordhiyay. Taasi waxa ay ka caawin kartaa in uu xamilo culaysyada dhaqaale ee ay la iman doonto cunaqabatayntu, laakiin wakhti aad u dheer taasi ma wadayso.

Lacagta Ruubal ka ee wadankaas iyo dhaqaalaha wadanka ba wuu socodsiin karaa in muddo ah, kolka la eego kaydka uu haysto. Jugta u wayn ee ilaa hadda gaadhay waa beebkii gaasta ee waayadan ba la dhisaayay North streem 2, oo Jarmalku joojiyeen – lacag 11 bilyan ah oo nus ka mid ah Ruushku leeyihiin baa ku baxday, in aanu beebkaasi shaqayn na, labada dhinac ba waa u xuntahay, Putin ayay se ku sii xuntahay. Aynu eegno halka ay ka cagataagto – koleyba quwadaha waawayn is hayntooda inaka dan baa noogu jirta hadaynu nahay duqsiga yaryar.

Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi.