Somaliland: Xildhibaan soo bandhigay Doorka ay Tabayso iib-geynta Qaddiyadda Qaranku

Hargeysa (aftahannews):- Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Kaare) ayaa iftiimiyey gal-daloolo jirta oo ay tabayso iibgeynta iyo difaacista qadiyadda Aqoonsiga iyo Madaxbannaanida Somaliland.

Xildhibaan Kaare oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu sheegay in Somaliland wax badan la qaybsan lahayd dunida haddii kor loo qaado tayada Saxaafadda Dalka, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay hirgeliso Macad kor loogu qaadayo tayada Mihnadeed ee Saxaafadda dalka.

Xildhibaanka, ayaa sidan ka sheegay Kulan-sharafeed ay Warbaabinta dalku u samaysay Suxufi Cabdi Bidhaan oo ka tirsan BBC Somali oo booqasho ku jooga Hargeysa.

Axmed Maxamed Maxamuud (Kaare), ayaa ah Xildhibaankii ugu codka Badnaa Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Maroodijeex marka laga Reebo Xildhibaan Barkhad Batuun oo isagu Rikoodhka Jabiyey isla markaana noqday xildhibaankii ugu codka badnaa Doorashooyinkii Golaha Wakiillada ee ka qabsoomay Somaliland soddonkii sanno ee u dambeeyey.