Taiwan oo Somaliland ku Wareejisay Shan Boqol oo Kun oo Doollar

Hargeysa (aftahannews):- Dowladda Taiwan, ayaa Somaliland ku wareejisay gargaar lacageed oo dhan $500,000 oo ay kaga qayb qaadanayso gargaarka dadka abaaruhu saameeyeen ee reer Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Guddida Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa munaasibadda lagu qabtay madaxtooyada deeqdan lacagta ah kaga guddoomay madaxda xafiis wakiileedka Taiwan ee Somaliland.

“Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Waxana uu madaxweyne-ku-xigeenku uga mahadnaqay dawladda Taiwan tallaabada lexejeclada leh”.

Wakiilka Taiwan u jooga Somaliland Allen lou oo isagu xukuumadiisa iga wakiil ahaa wareejinta deeqdan lacagta ah, ayaa sheegay in ay lacagtan ugu talo galeen si wax loogaga qabto xaalada abaarta.

“Waan ku faraxsanahay in aan madaxweyne ku xigeenka ku wareejiyo gargaarka ay Taiwan ugu talo gashay abaaraha, si aanu wax uga tarno abaaraha daran ee Somaliland, anaga oo og in culayska abaartu uu sababay biyo la’aan iyo daaq la’aan, Taiwan waxay dowlada Somaliland ugu deeqaysa  $500,000” ayuu yidhi lou.

“Waxa kale oo aanu bixin doonaa 300 oo tan oo Bariiska Taiwan  ah, si aanu wax uga tarno cunto yarida”.

Taiwan ayaa xukuumada Somaliland horey uga taageertay la dagaalanka caabuqa Covid-19, iyadoo ugu deeqday tallaal bilaash ah iyo qalab, sidookale, waxay gacan ka gaysatay horumarinta tiknoollajiyada, caafimaadka iyo beeraha.