Weerar lagu Qaaday Madaxweynaha Puntland oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay

Boosaaso (aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa ka badbaaday weerar Miino oo lagu qaaday Gaadiid uu ku safrayey Madaxweynaha oo ku socday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kolonyo Gaadiidka Ciidanka  galbinayay Madaxweynaha Puntland, ayaa  Qarax miino oo la sii diyaariyey lala eegtay, iyagoo sii galaya magaalada Boosaaso.

Qaraxan oo ahaa mid horey loosii diyaariyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga Madaxwaynaha Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Labo Askari, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, tiro kale oo intaas ka badanina way ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa ka dib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso.

Xarakada Al-Shabaab oo maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso, ayaa sheegatay masuuliyadda weererka Miinada ah ee lagu qaaday Safarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo la sheegay inaan dhibaato ka soo gaadhin ee uu ka badbaaday.