Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Jabuuti Maxay ka Wadahadleen?

DJabuuti(aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu Hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay dalka Djibouti, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalkaas, waxaana Madaxtooyada ku qaabbilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada Madaxweyne dhexmaray, ayaa lagaga wadahadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta, Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.

Dhinaca Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed.