Somaliland oo lagu Tijaabiyey Barnaamij lagu Casriyeynayo Xogta Codbixiyayaasha

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweyne ku-xigeenka c Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daah-furay Barnaamij lagu tijaabinayo hannaanka lagu hubinayo Xogta cod-bixiyaha (Biometric voter verification), kaas oo ah qorshe Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku casriyeynayo Diiwaangelinta cod-bixayayaasha.

Masuuliyiin ka kala socotay saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, masuuliyiin kale, diblumaasiyiin ajaanib ah oo uu kamid yahay safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa daah-furka Barnaamujkan, waxana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi.

Guddoomiyaha koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali, (Riyo-raac), ayaa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay daahfurka qalabkan.“Waxa aynu halkan u fadhina daahfurka qalabka cusub ee dawladda Taiwan inanga caawisay, iyo tijaabadii qalabka laftiisa, oo aanu xisbiyada ka codsanay in xisbi waliba keeno toban qof, oo hay’adda shaqaalaha ka diwaangashan, iyo toban aan ka diwaangashayn, oo anagu aanan kala garanaynin, balse mishiinku noo kala saari doono hadii ILLAAHEY yidhaaho.

Waxa aynu haysanay diwaangelin sax ah oo qofka xogtiisa la kaydinayo indhihiisana la qaadayo, balse waxa aynaan haysan xogtii kaydsaneyd wixii lagu akhriyay, marka Taiwan waxa ay inoo dhammeystirtay in aynu akhri karno xogta codbiyaha ee inoo kaydsan”

Madaxweyne xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaaih Ismaaciil (Saylici), oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Nidaamka isha ayaynu qaadanay oo labadii doorashe u danbeeyay kaadhadhkoodii ah, isla markaana khaladaadka soo galayay doorashooyinku aad iyo aad u koobnaaday, intii hadhayna maanta qalabkani innaga sii dhammeystirayo oo qofkastaana xaqiisa helayo, isla markaana hal cod sharci u leeyahay qofku, meeshana ka saarayso, qof maqan, qof u eeg, iyo wixii culayska noocaas ahi ka imananayay ay Meesha ka saarayso, farxad iyo guul ayay noo tahay,”

“Qofna mar labaad hungurayn mayo in uu mar labaad codeeyo, ama shakiba yimaado oo la yidhaaho waxba la khiyaameeyay, ama lagu tiraababa dad dhintay ayaa codeeyay,”Ayuu yidhi masuul ku hadlayay afka xisbiga UCID.

Xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan qalabkan oo ay Somaliland ku caawisay Dowladda Taiwan.