Shirkadda Twitter oo Xayirtay Ciwaanka Xildhibaanka ugu saamaynta Badan Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Shirkadda Twitter-ka oo ka mid ah Shirkadaha bixiya adeegyada Warbaahinta Bulshada (Social Media), ayaa Xayirtay Ciwaankii uu ku lahaa Xildhibaan Maxamed Abiib ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee Shirkadda Twitter-ku ku xayirtay Ciwaanka Xildhibaanka oo muddo Dhowr saacadood ah Hawada ka maqnaa, balse markii dambe dib hawada ugu soo noqday.

Soo-noqoshada Ciwaanka Twitter-ka ee xildhibaanka ayaa ka dambaysay kaddib markii shacabka Somaliland ee Adeegsada Twitter-ka ay sameeyeen olole ay shirkadda kaga codsanayaan in ay xayiraadda ka qaado Ciwaanka Twitter-ka ee Xildhibaanka.

Inta la ogyahay, waa Xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee cusub ee la xayiro Ciwaankiisa Twitter-ka.

Maxamed Abiib oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka Somaliland, ayaa ka mid ah Mudaneyaasha ugu saamaynta badan Golaha Wakiillada Somaliland.

Dadka qaar ayaa shaki ka muujinaya inay jiri karaan Masuuliyiin ka mid ah kuwa Xukuumadda oo uu dabagal ku sameeyay hantida ay masuulka ka yihiin ay ka dambeeyaan xayiraadda la saaray Ciwaanka Xildhibaanka, inkasta oo aan la garan karin waxa arrintaasi yeeli karto Maxamed Abiib, marka laga yimaaddo in xayiraaddan loo fasiran karo in Sumcadda Xildhibaanku ku leeyahay Twitter-ka dhexdiisa aanay wanaagsanayn.

Xigasho Somalilandpost.net.