Fahad Yaasiin oo Xildhibaan loo doortay iyo Ballanqaadkiisa

Baledweyne (aftahannews):- Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee Haya’dda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, ayaa Xildhibaan loogu doortay doorasho maanta ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Diyaarado Ciidammo ah lagu daabulay toddobaadyadii u dambeeyey.

Fahad Yaasiin ayaa NISA ka dib ah la taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo. Fahad waxa uu heley 70 cod, halka musharax Axmed Dayib Axmed uu heley 24 cod, 3 codna ay halaabeen sida uu shaaciyay guddiga doorashada Hirshabeelle.
Magaca rasmiga ah ee guddiga ay ugu yeereen Fahad ayaa ah Fahad Daahir Axmed.

Kursiga tirsigiisu yahay 086 waxa horey ugu fadhiyay Faarax Cabdiqaadir oo aan illaa iyo hadda warbaahinta la hadlin, tartankana aanan ka qeybgalin.

Meeshii lagu dooranayay Fahad ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.
Mar sii horeysey saakay, war lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada heer federaal ay hakiyeen kursiga 086 ee Fahad loo doortay maanta.
Waxaa kale oo maalmahan jirey isqabqabsi u dhaxeeya guddiyada heerarka kala duwan oo ku saabsan kursigan.

Fahad Yaasiin, ayaa goobtii lagu doortay kula hadlay ergadii iyo dadkii kale ee goobjooga ka ahaa doorashada.

Fahad ayaa yidhi; “Doorashooyinka dalkii intii aan soo garaadsaday tii Carte ayaa iigu horeysay, marka taas laga reebo intii kale waan dhex taagnaa, qaabkii aan ku galayba, balse tan ayaa iigu horeysa in aniga la ii codeeyo” .

Fahad oo hadalo kaftan ah goobta ka jeediyay ayaa u muuqday in uu muujinayo in doorashada dadban ay noqon doonto mid natiijooyin aanan dad badan farax galin.

Waa mararka dhifta ah ee la arkay Fahad oo fagaare ka hadlaya, wuxuuna markan balanqaaday in kursigiisa uu ugu adeegi doono Hirshabeelle iyo Soomaaliyaba.

Doorashadiisa ayaa soo jiidatay dareenka siyaasadda Soomaaliya iyo tan warbaahintaba, waxana ay ahayd mid siyaabo badan kaga duwan kuraastii kale ee la doortay, iyada oo ciidamo xoog leh oo diyaarado lagu geeyay ay illaalo ka hayeen magaalada iyo goobtaba.