Xukuumadda Somaliland & Shirkadaha Isgaadhsiinta oo ku Heshiiyey isku furka Teleefannada Somtel iyo Telesom

Hargeysa (aftahannews):- Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gebo-gabaysay heshiis suurto-galinaya inay isku furmaan, isla markaana bulshadu iskula xidhiidhi karto telefoonnada shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel.

Heshiiska, ayaa marka la hirgeliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qofka haysta Kaadhka Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom uu awoodi doono inuu la xidhiidho Macmiilka shirkadda Somtel.

Kulan maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa oo ay shirkadaha Iskaadhsiintu Heshiiska ku kala saxeexdeen, waxa goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technolojadiyadda iyo xubno kale oo tirsan golaha Wasiirrada Somaliland.

War-saxaafaeed ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta, ayaa lagu sheegay inay wasaarad ahaan ku guulaysteen hirgelinta heshiiska isku-xidhka shirkadaha oo marxalado kala duwan soo maray.

Warka ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa u qornaa sidan:- “Waxa ay maanta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu soo gebogabaysay Heshiiska lsku-xidhka Shirkadaha lsgaadhsiinta (Telecom Interconnection) oo Isku furaya wada-hadalka shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo SOMTEL.

Heshiiskan oo soo maray marxalado kala duwan oo ka bilaabmay diyaarinta ‘Xeer-nidaamiyaha Isku-Xidhka Shebekadaha’ oo ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu la tashi kala samaysay shirkadaha ay khusayso qaab waafaqsan Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ee Xeer Lr.50/2020, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee maamula suuqa isgaadhsiinta.

Isku-Xidhka Shabkadaha isgaadhsiintu waa waajib saaran shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka, si loogu fudaydiyo macmiilka wicitaanka qofka kasta oo sita telefoonka gacanta oo ka diiwaan gashan dalka, sidoo kalena loo helo tartan sax ah oo dhexmara shirkadaha, loona kobciyo suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.

Wasaaradda Isgaadhsiintu waxa ay halkan uga mahadnaqaysaa shirkadaha isgaadhsiinta ee aqbalay heshiiska, waxa ay sidan oo kale bogaadinaysaa bulsho weynta Somaliland oo in badan ka dhursugaysay hirgalinta isku xidhka telefoonada oo u suurto galinaysa in ay wada hadlaan iyaga oo adeegsanaya shirkadda ay doonaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Isgaadhsiinta oo aan lagu xusin wakhtiga rasmiga ah ee uu heshiiskani dhaqan-galayo.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskan maanta la saxeexay, ayaa muddo badan ka dhaqaaqi waayey isdiiddooyin Shirkadaha Isgaadhsiinta ka dhexeeya, waxaana haddii uu hirgalo heshiiskani waxa uu noqonayaa mid taariikhi ah oo muddo laga dhursugayey, waxaanay guul u noqonaysaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo guud iyo gaar ahaan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Heshiiskan, ayaana noqonaya mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee ka jiray dhinaca Isgaadhsiinta Somaliland oo aanay Shacabku ku wada xidhiidhi karin Kaadhadhka Shirkadaha Telesom iyo  Somtel ee Somaliland ka shaqeeya.