Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Biixi Miyey Heshiiyeen?

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horreysay muddo kaddib isasoo hor-fadiistay gelinkii dambe ee maanta oo kulan ku dhexmaray Guriga Madaxweynha.

Kulank maanta ayaa daba-socda kulan habeenkii xalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo siyaasiin ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa ku soo beegmay toddobaaddo kaddib markii madaxweynuhu magacaabay guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo furistooda loo muddeeyey bisha shanaad ee sannadkan, waxaana suurto-gal ah in arrintaasi tahay sababta soo dedejisay Isu-soo-dhaweynta madaxweynaha iyo siyaasi Maxamuud Xaashi, hasyeeshee waxa aan la ogayn in ay ku heshiin doonaan in Maxamuud Xaashi dib ugu noqonayo Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa iyo in uu furto urur-siyaasadeed uu u madax-bannaan yahay hoggaamintiisa.

Siyaasiyiin Maxamuud Xaashi oo Saaxiib dhow ay ahaayeen madaxweyne Biixi isla markaana si weyn uga qayb-qaatay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2017 lagu doortay madaxweye Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga saaray Xisbiga Kulmiye bishii October 2021-kii kaddib markii sida lagu eedeeyey uu siyaasigani u ololeeyey xisbiyada Mucaaradka doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee isla sannadkaas oo la sheego inuu qayb laxaad leh ku lahaa guul-darradii xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashadaas.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hore u shaaciyey inuu u tartamayo hoggaanka Xisbiga Kulmiye madaxweyne Muuse Biixi dabadii, taas oo dadka siyaasadda ku xeel-dheeri ku sababeeyeen inay tahay sababtii uu taageerada iyo halganka kursiga ula galay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Haseyeeshee, waxa mar kaliya soo if-baxday inuu madaxweyne Muuse Biixi hoggaanka xisbiga la rabo saaxiibkii Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Arrintaasi waxa ay sababtay in Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku gacan-saydho inuu ka qayb-galo shirweynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye ee Bishii October sannadkii 2020-kii ku qabsoomay Hargeysa, kaas oo hoggaanka Xisbiga mar kale loogu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay.

Maxamuud Xaashi ayaa sababta uu shirweynaha uga qayb-gali waayey ku sababeeyey inuu u af-duuban yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Siyaasigu tiraba dhowr jeer oo uu shir-jaraa’id qabtay eedaymo kala duwan u jeediyey.

Siyaasigan ayaa dhoola-tus saamayntiisa la dareemay ku soo bandhigay Doorashadii goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee badhtamaha sannadkii hore ka qabsoontay dalka, waxaanu qaaday tallaabooyin guulo wax-ku-ool ah u horseeday xisbiyada Mucaaradka, kaddib markii uu labada xisbi ee UCID iyo Waddani ka sharraxay xildhibaanadii ka soo jeeday Deegaankiisa iyo Kuwii ay isku-afkaarta ahaayeen oo ku soo baxay Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, kaadiriinta iyo Bahweynta Xisbiga Kulmiye, ayaa u arkaa in kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasigani yahay guul u soo hoyatay oo wax badan ka taraysa tartannnada iyo loollanka xisbiyada ee Siyaasadda dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi waxa kulanka ku wehelinayey siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Bariga Burco, balse Lama oga arrimaha ay ka wada-hadleen in kasta oo ujeeddada ujeeddada kulanka oo hor u dhac u ah kulamo dambe lagu sheegay mid ay isku laab xaadhanayeen labada siyaasi oo ah saaxiibbo ku kala tagay damaca siyaasiga ah ee hoggaaminta xisbiga Kulmiye