Mareykanka oo Baaq ku aaddan doorashada u Jeediyey Madaxda Soomaalida

Muqdisho (aftahannews):- Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya,  ayaa Maanta mar kale soo saartay farriin ku socota Madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada dalka.

War qoraalka ah oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida iney ka dhabeeyaan balan qaadyadoodi ahaa in doorashada Baarlamaanka 11-aad ee dalka lagu soo gabagabeyn doono 25-02-2022 oo ay haatan ka harsan tahay 7 maalmood oo kaliya.

“Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in lagu soo dhameystiro doorashada Baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah furnaan ah 25-ka Feberaayo. Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa ama carqaladeysa hannaanka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qoraalkan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa imaanaya xili isla Maanta War saxafadeed la xariiray arrimaha doorashada Soomaaliya ay soo saareen Wakiiladda Beesha Caalamka.