Washington(Aftahannews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa su’aal geliyey sababta Maxkamadahu ugu dhaqmi waayeen Xeerka dhaqan-galka ah ee Saxaafadda marka ay ka garnaqayaan dacwadaha la xidhiidha Suxufiyiinta Xukuumaddu xidho iyo Xarumaha Warbaahinta ee ay Albaabbada u laabto.
Wasiir Xirsi oo wakhtigan ku sugan dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in xadhigga iyo xayiraadda lagula kacay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland loo maro dariiq sharci, sharciga dalka u yaalna dadku u wada siman yihiin, balse su’aali ka taagan tahay sababta loo adeegsan waayo xeerka saxaafadda u yaal.
“Waxaan filayaa sharciga ayaanay dadku si u wada aqoon. Warbaahintu waxay ku xidhan tahay waa sharci oo darriiq sharci ah baa loo maray. Cidda xidhay ama xayirtay waa maxkamad oo dariiq sharci ah baa loo maray, laakiin haddaad leedahay maxaa xeerka saxaafadda loogu qaadi waayey ama loo xidhay waa su’aal iswaydiin leh. Dalku wuxuu leeyahay sharciyo kala duwan, cidda doorataana waa cidda gacanta ku haysa oo ah garsoorka, iyagaana doorta sharciga ay ku qaadayaan cidda eedaysanaha ah, laakiin xeerarka dalka u yaal dadku way u siman yihiin,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabay su’aal idaacadda VOA-du ka waydiisay sababaha warbaahinta la xidho loogu adeegsan waayey xeerka saxaafadda Somaliland.
Wasiirka oo ka hadlayey ujeeddada uu daarran yahay socdaalk uu tagay dalka Maraykanka, waxa uu yidhi, “Waxaan u imi inaan dawladda Maraykanka kaga qaybgalo dhawr ballamood oo aan halkan ku lahaa hadday ii suurtogasho xilligan oo aan fursad u helo. Dabbaaldegga aan reer Somaliland kala qaybgeli doono oo muhiimadda koowaad ii ah, waxaanan filayaa in shan xafladood oo qorshaysan aan ka qaybgalo.”
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.