Biden: “Ruushku Maalmo gudohood ayuu weerari doonaa Ukraine..”

Washington (aftahannews):- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,  ayaa Jimcaha maanta ah u ballansan uu hoggaamiyeyaasha dalalka ku jira gaashaabuurta NATO uu kala hadlo xiisadda ka jirta Ukraine.

Aqalka Cad, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu hogaamiyeyaashaas ogeysiin doono dadaallada Maraykanka ee diblomaasiyadeed iyo kuwa ka-reebidda ee in Ruushku uu fal ku kaco.

Khamiistii shalay ayaa Biden yiri “aad bay u sarreysaa” suurto galnimada in Ruushku weerari doono Ukraine dhowrka maalmood ee soo socda.

Isaga oo la hadlaya warfidiyeenno Aqalka Cad ku sugnaa ayuu yiri “Waxaa jira sababo aan ku rumeysanayno inay diyaarinayaan hawl mar-marsiiyo ah si duullaan ay sabab ugu helaan. Waxa uu intaas raaciyey “Tilmaan kasta oo aan hayno waa in ay diyaar u yihiin in ay Ukraine weeraraan oo galaan.” Waxa uu yiri “Dareenkeygu waa in dhowrka maalmood ee soo socda ay taasi dhici doonto.”

Hase yeeshee, Biden ayaa wali aamminsan in la heli karo xal diblomaasi, kaas oo yareyn kara welwelka Ruushka ee la xiriira gantaalada iyo tababarada militari ee NATO ay ka waddo bariga qaaradda Yurub. Xulufada galbeedka ayaa diiday dalabkii ugu weynaa ee Ruushka ee ahaa in NATO ay meesha ka saarto suurta galnimada in gaashaanbuurta xubinimo laga siiyo dalka Ukraine iyo dalalkii kale ee ka tirsanaa Midowgii Soofiyeetka