Golaha Ammaanka ee Q/M oo loo gudbiyey Qorshaha lagu beddelayo AMISOM

New York (aftahannews):- Saraakiisha Midowga Afrika (AU), Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa qaatay dukumentiyo muhiim ah oo muujinaya qorshaha lagu dhisayo howlgalka cusub ee beddelaya Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.

Sannadkii 2007dii, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika,
ayaa oggolaaday in Soomaaliya loo diro ciidamada AMISOM. Waxaana amar ku bixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tan iyo waqtigaas ciidamada AMISOM u cusboonaysiinayay waajibaadkooda.

Arbacadii hore, ayaa lasoo gaba gabeeyay wada-hadalladii u dhaxeeyay Kooxaha Farsamada ee ka socda AU iyo DFS si ay ugu heshiiyaan qaab-hawleed cusub oo ugu dambeyn lagu wareejin doono mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Siciid Samantar, ayaa sheegay in Guddi ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS, Midowga Yurub (EU) iyo Qaramada Midoobay (QM) ay kulmi doonaan 14 Febraayo, si ay uga wada hadlaan dukumentiyada howlgalka cusub ee bilaabmaya 2022.

Dukumeentiyada waxaa loo gudbin doonaa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu dambeyn 7da Maarso si ay u eegaan ugu dambeyn 31ka Maarso 2022, taasoo u gogol xaareysa howlgalka cusub.