Somaliland iyo Shiinaha oo Madaxa isla galay

Taipe (aftahannews):- “Shiinuhu ma sheegi karo cidda Somaliland xidhiidh la yeelan karto maadaama aannu nahay qaran madax-bannaan oo si xor ah u dhashay” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, oo Arbacadii safar ku tagay Taiwan, kaas ay xukuumadda Shiinuhu cambaaraysay.

Somaliland, ayaa ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaadhan oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda. Somaliland ayaa inta badan ahaa nabad halka Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo sodon sano ah.

Somaliland iyo Taiwan, xilli Shiinuhu ku andacoonayo in Taiwan tahay dhul ay leeyihiin, sidoo kalena ka go’doonsan diblumaasiyadda, ayaa sannadkii 2020 kala samaystay xafiisyo wakiillo ah kuwaas oo kala joogi doona caasimadahooda, taas oo ka cadhaysiisay Beijing iyo Muqdisho.

Somaliland oo ku taal meel istaraatiiji ah oo l Geeska Afrika, waxay xuduud la leedahay Jabuuti, halkaas oo Shiinuhu ku leeyahay saldhig milateri oo ahaa kii uu markii ugu horreysay abid ku yeesho dibadda.Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in todobaadkan ay Taiwan “ay daka ku hurinayso si ay u wiiqdo madax-banaanida iyo midaynta dalalka kale, isla markaana ay waxyeello u gaysanayso dadka kale iyaga oo aan waxba u tarayn” xilligaas oo ay martigelinaysa wefti heersare ah oo wasiirro ka kooban kuwaas oo ka socday Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciisa Kayd oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in aanu Shiinuhu u talin dalkiisa.

Waxaan ku dhalannay annaga oo xor ah, xornimo ayaana ku sugnaan doonnaa, ganacsigeenna waxaan u maamuli doonnaa sida aan rabno, Shiinuhu nooma talin karo, ma jiro waddan waddan kale u talin kara oo wax u yeedhin karaa”

Kayd waxa uu intaasi ku daray inay u furan yihiin inay la macaamilaan cid kasta oo ku ixtiraamta in ay yihiin waddan madax-bannaan oo doonaysa inay ganacsi la yelato iyada oo aan wax shuruud ah ku xidhin.”Waxaan u maleynayaa inay taasi caddahay sida aan u tagi karo Shiinaha.”

Taiwan waxaa Afrika ka saaray diblumaasiyad ahaan Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, iyadoo eSwatini oo kaliya ay hadda xidhiidh buuxa la leedahay jasiiraddaas.

Shiinuhu waxa uu cadaadis ku saaray dalalka kal in aanay la xidhiidhin Taiwan iyada oo doonaysa in ay caddayso sheegashooyinkeeda madax-banaanideeda, waxaanay labaduba si joogto ah uga ganacsadaan isticmaalka “diblomaasiyadda doollarka” ee amaahda iyo hadiyadaha lacagta caddaanka ah si ay aqoonsi caalami ah u helaan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dalkiisu aanu ilaa hadda wax codsi ah u gudbinin oo uu ku saabsan amaah uga timaadda Taiwan.

Xigasho BBCSOMALI.COM.