Maroodigii ugu badnaa oo la Shaaciyey in lagu Xasuuqay Ethiopia

Addis Ababa (aftahannews):- Hay’adda ilaalinta duur-joogta Itoobiya,  ayaa shaacisay in lixdii bilood ee ugu dambeeyey lagu dilay dalkeeda tiradii ugu badnayd ee Maroodiyaal ah.

Saddex goobood oo kaliya ayaa waxa laga diiwaangeliyey in lagu dilay illaa 19 maroodi.

Saddexda goobood oo aad loo ilaaliyo oo lagu daryeelo xayawaanka ayay usoo dhaceen dablay hubaysan, waxaanay ku laayeen illaa 19 maroodi, si ay doonaya inay ka goostaan foolasha.

16 ka mid ah Maroodiyadan waxa la dilay dhowaan, saddexda kalena way ka sii horreeyeen, waxaanay dhamaantood ku xaraysnaayeen Omo iyo Mago Natioal Park oo ku yaalla Koonfurta Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixinta xafiisyada hay’adda duur-joogta Itoobiya, 5 maroodi ayaa lagu dilay Omo, 7 kalena waxa lagu dilay Mago halka 7 kalena ay ku dhinteen Baabili oo ay dablaydu ku toogatay.

Ammaanka goobaha lagu xannaaneeyo xayawaanka ayay hay’addu sheegtay in ay adag yihiin, sidoo kalena waxa aad u adag goobaha lagu hubiyo, laguna baadho dadka u socda goobaha xayawaanka iyo xataa meelaha kala ee laga soo geli karayo. Hase-yeeshee, Hay’addu may sharrixin sida dilkan loogu geystay Maroodiyada.

Waxa Hay’adda Duurjoogta Ethiopia walaac ka muujisay in xaaladdu ay ka sii dari karto haddii aan si degdeg ah wax looga qaban ama aan dabagal iyo xakameyn xooggan loogu sameyn wixii dhacay.

Warbixinta ay Hay’adda Duurjoogtu kasoo saartay saddexdan goobood ee xayawaanka lagu daryeelo, waxa lagu sheegay, in dadkii dilay Maroodiyadu ay gubeen raqda si ay u tirtiraan caddaymaha raad-raaca noqon kari lahaa.

Masuuliyiintu waxay hoosta ka xariiqeen, in dilka kaddib la sameeyey dedaallo badan oo lagu ilaalinayo Maroodiga, taasina ay muujisay baaxadda dhibaatada, taas oo u muuqata inay kasii dari karto haddii aan isbeddel lagu samayn sida hadda loo ilaaliyo xeryaha duur-joogta.