Cali Khaliif Galeydh oo fara ciddidood kaga baxsaday Ciidanka Somaliland oo la wareegay goob uu dhuumasho ku joogay

Saax-dheer(Aftahannews):- Ciidamada Somaliland ayaa saaka ku waabariistay tuulada Saax-dheer oo 75-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaaladda Laas-caanood halkaasoo uu ku sugnaa xildhibaan, Cali Khaliif Galaydh, ciidamada ayaa qabsaday tuulada inkastoo ay iska caabbin kala kulmeen dadweynaha ku nool tuulaadaas.

GALAYDH

Xildhibaan Galaydh ayaan la hayn meel uu aaday waxaase, Aadan C/casiis oo ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay  inuu uga baxay dhinaca Bari xilli ay isku muuqdeen gawaarida Somaliland iyo kuwiisa, waxaase halkaas ku sugan Garaad Jaamac Garaad Cali, iyadoo goobjooguhu uu intaas ku daray inay galeen gurigii uu deggenaa.

Sidoo kale, Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inuu arkayay lix nin oo direyska ciidamada Somaliland xiran oo saraakiil u eg oo u galay garaadka, balse wax-yar kaddib ayay kasoo bexeen, markaanu u tagnayna wuxuu Garaadku sheegay inay weydiiyeen Cali Khaliif.

Ma jiro wax khasaare ah oo la xaqiijin karo oo labada dhinac gaaray, waxaase wararku sheegayaan in dhinaca tuulada hal qof ka dhaawacmay guryana rasaas haleeshay oo uu ka mid yahay guriga Garaad Jaamac Garaad Cali.

Ciidamadii halkaa tagay waxay isu qaybiyeen laba qaybood oo mid ka mid ah ay aadeen waddadii uu maray xildhibaanku, halka qaar kalena ay tuulada ku hareen, iyadoo tuuladu ay saaran tahay soohdinta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya ay la leeyihiin gobolka Sool.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ciidamada Somaliland ay si kedis ah ku galaan deegaanno ka mid ah gobolka Sool, waxaase dadku is-weydiinayaan sida ay ku sii joogi karaan dhulka oo ah mid kaymo badan.

Xigasho Hiiraan.com