Soomaaliya oo ku Baaqday in la baadho Tahriibayaal Dhimashadooda laba Dal isku eedeeyeen

Muqdisho (aftahannews):- Xukuumadda federaalka Soomaaliya,  ayaa ka codsatay dalalka Turkiga iyo Giriiga iyo UNHCR inay si deg deg ah u baaraan dhimashada 5 qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday xadka Giriiga iyo Turkiga.

Dowladdu waxay sheegtay in ay aad uga murugaysan tahay musiibada ay ku geeriyoodeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna tacsi u dirtay qoysaksii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku geeriyooday xadka labada dal u dhaxeeya, ayaa ahaa tahriibayaal, waxaana dhimashadooda loo sababeeyay qabowga darran iyo baraf jidhkooda galay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidammada ilaalada xadka ee Giriigu ay dharka ka dhigeen muhaajiriinta dhimashada ka hor, iyagoo ciqaab uga dhigay, sidaasna ay ugu adkaysan waayeen barafka dhacayay.

Labada dal ee Turkiga iyo Giriiga, ayaa mid midka kale ku eedeeyay inuu masuul ka yahay geerida dhallinyaradaas iyo kuwa kale oo dalal kale kasoo jeeda.

Warqadda ay Soomaaliya kula hadashay Qaramada Midoobay iyo labadaas Dal, oo Nuqul ka mida hi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxay u dhignayd sidatan:-