Maraykanka oo Xayiraad saaraya Cidda Caqabadda ku ah doorashooyinka Soomaaliya

Washington (aftahannews):- Dowladda Maraykanka, ayaa sheegtay inay xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogayso Madaxda, Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee caqabadda ku ah doorashada Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay shakhsiyaad Soomaali ah, oo ay ku jiraan kuwo hadda madax ah iyo kuwo hore u soo noqday.

Mareykanku waxa uu sheegay in ‘waddada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata inay tahay iyada oo si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo’ isaga oo intaas ku daray inuu marar badan walaac ka muujiyay dib u dhacyada iyo habraaca habraaca doorashada Soomaaliya iyo saameynta ballaaran ee ay khaladaadkaas ku yeelan karaan dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka.

“Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada.” ayaa lagu jiri Bayaankan.

Warkan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yidhi; “Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah.”

War-murtiyeedkan, ayaa intaas ku daray xayiraaddan oo sidoo kale y sidoo kale saameyneyso qoysasaka shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.

“Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa inay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka Febraayo, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka wuxuu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal.” Sidaa ayaa lagu soo gabagabeeyay Bayaanka dowladda Mareykanku kaga hadashay Soomaaliya.