Somaliland: Wasiir Diiday inuu Hortago Golaha Wakiillada oo looga yeedhay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa diiday in uu hor yimaado golaha Wakiillada oo looga yeedhay.

Wasiir Caateeye, ayaa waxaa uu diidmadiisa ku aadan inuu hortago golaha Wakiillada ku sababeeyay in uu hayo sir ciidan islamarkaana aanu gole ka sheegi karin furan.

Waxaa uu wasiirku sheegay in wasaaraddiisu ay tahay mid xasaasi ah oo ku abuuran xeerka kala xadaynta xukuumadda ee qodobka 44-aad oo sheegaya in shaqadeedu tahay mid xasaasi ah oo la xidhiidha arrimaha ciidanka Qaranka.

Wasiir Caateeye, ayaa sheegay in aanu golaha waxba kula wadaagi karin madal furan sababo la xidhiidha xog ciidan, waxaanu golaha ka dalbaday in lagula balamo madal aanay warbaahintu goob joog ka ahayn.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in ay suurtagal tahay in uu faafiyo sir ciidan oo aanay haboonayn in la baahiyo haddii uu golaha ka hadlo, maadaama buu yidhi wax walba oo afkayga ka soo baxaa ay tahay sir ciidan.

Xildhibaan Guruuje oo ah madaxa guddida difaaca ee golaha Wakiilada, oo wasiirka u jawaabay, ayaa sheegay in markii hore ay rabeen in ay guddi ahaan ula kulmaan wasiirka, balse markii uu diiday tiraba 2 baaq oo loo diray uu guddoomiyaha goluhu gole waynaha uga yeedhay.

Sikastaba ha-ahaatee, Wasiir Caateeye, ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee diida inuu horyimaado golaha Wakiillada, iyada oo uu hore u diiday Wasiirka Qorshaynta, oo aan ka soo jawaabin tiraba 5 waraaqood oo loo diray.