Golaha Wakiillada Somaliland oo Lacag ugu Deeqay Dadka Abaartu Saamaysay

Hargeysa (aftahannews)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lacag dhan Konton Kun oo doollar kaga qaybqaadanaya Gurmadka Abaaraha oo Dad lagu qiyaasay siddeed Boqol iyo Toban Kun oo Qof oo Reer Somaliland ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif Axmed, ayaa Fadhigii Isniinta maanta ee Golaha ka hor akhriyey go’aan Goluhu isku raacay, ayaa sheegay in goluhu konton Kun oo doollar ku caawinayaan Dadka Abaaruhu saameynta ku yeesheen, isla markaana waxa baaq loogu diray qoraalka Hay’adaha caalamiga ah, kuwa waddaniga ah, ganacsatada iyo Qurbojoogta Somaliland inay u soo gurmadaan Dadka Abaaruhu ku saameeyeen gobollada Somaliland.

Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif oo ka hadlaya arrimahaas, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-